Gabileynewsonline.com
Daawo: Xafladii Bandhiga Buugga DOOLAAL
October 3, 2020 - Written by admin
    

Waxaa sanadahan danbe aad u soo kordhayay buugaagta ay qarayaan dhalinyaradda reer Somaliland.

Iyadoo ay jiraan buugaag fara badan oo waxtaayo kala gedisan laga qoray.

Inkastoo guud ahaanba dadka Soomaalida ah lagu tilmaamo bulsho aad ugu hoosaysa dhinaca qoraalka iyo akhriska, hadana arrintaasi oo muujinaysa in dadka Somaliland ay taasi horumar ka sameeyeen sanadahan danbe.

Qorista buugaagta macluumaadyadda kala gedisan ku saabsan ayaa faa’iidooyin badan laga helaa.

Taasoo ay wax ka bartaan dhalinta soo koraysa iyo waxyaabo taariikhi ah aad loogu baahan yahay helitaankoodda.

Faa’iidooyinka kale ee qorista buugaagtu leeyihiin waxaa ka mida in ay soo baxaan dhalinyarro qoreyaal ah.

Kuwaasoo isugu jira Ragg iyo Dumar ba, isla markaana magac iyo maamuus ba bulshadda ku dhex yeesha.

Waxaana ugu danbeeyay arrintaasi xaflad lagu soo bandhigayay buug la magac baxay DOOLAAL oo xalay lagu qabtay caasimadda Hargaysa.

Buugaasi oo uu qoray Maxamed Yuusuf Bidhiidh oo ku magac dheer (Badda), ayaa maalmahan ay dadweynaha Hargaysa si weyn u hadal hayeen.

Waxaana xafladda bandhiga buugaasi ka soo qayb galay masuuliyiin, siyaasiyiin, saxafiyiin, qorreyaal, aqoon yahanno, masuuliyiin, dhalinyarro iyo dadweyne fara badan.

Daawo: Bandhigii Xalay Ee Buugga DOOLAAL:

 

COMMENTS
Latest News