Gabileynewsonline.com
War Deg Deg Ah”Alle Ha Unaxariisto Profesor Cali Khaliif Galaydh Oo Jigjiga Ku Geeriyooday
October 8, 2020 - Written by admin

Allaah ha u naxariistee waxa Maanta Geeriyooday Madaxweynihii Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh ayaa Ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.

Geerida Cali Khaliif Galaydh waxa xaqiijiyey Siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo ay aad isugu dhawaayeen. 

Cali khaliif Galaydh ayaa Allaah ha unaxariistee wuxuu mar soo noqday Raysal-wasaaraha Soomaaliya – imikana waxa uu ahaa Madaxweynaha kooxda Khaatumo.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland – ka dib markii Khaatumo heshiis la gashay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

COMMENTS
Latest News