Gabileynewsonline.com
“24000 MT oo Gaastadda wax lagu karsado ayaa soo degay afartii sanadood ee u danbeeyay”
October 21, 2020 - Written by admin
    

Isticmaalka fara badan ee Dhuxusha iyo jarista dhirta ayaa lagu tilmaamaa in ay horseedaan xaaluf iyo nabaad-guur ku yimaadda deegaanka, sida ay sheegaan khubaradda arrimaha deegaanka.

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay ku hawlan tahay sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha ee loogu guuri lahaa waxyaabo kale oo lagu bedelayo Dhuxusha.

Waxaanay wasaaraddu dedaal ugu jirtaa sidii gurri kastoo magaalooyinka Somaliland ku yaalla loogu isticmaali lahaa Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya iyo Gaasta cuntadda lagu karsado.

Si loo bad-baadiyo jarista dhirta iyo dhibaatadda deegaanka ka soo gaadha gubista iyo shidista Dhuxusha.

Iyadoo wasaaradda deegaanku dhiiri gelisa dadka farsamoyaqaanadda ah ee soo saarra Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ee loo yaqaano Dgoobo-dherriga iyo shirkadaha ka ganacsatadda soo dejinta Gaasta cuntadda lagu karsado.

Sanadkii 2016-kii xadiga Gaasta wax lagu karsado ee Somaliland u soo degtay ayaa lagu qiyaasay 800 oo Mitric ton. Balse afar sanadood kadib xadiga Gaasta wax lagu karsado ee Somaliland u soo degtay ayaa si weyn kor ugu kacay, kaasoo gaadhay 24000 oo Mitricton.

Kadib dedaal badan oo ay wasaaradda deegaanku samaysay iyo bulshadda reer Somaliland oo fahmay darteed.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, oo maanta hadal ka jeediyay kulan hawleed loo qabtay dadka farsamoyaqaanadda ah ee soo saara Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya iyo kuwa ka ganacsadda iibinta Gir-gireyaashaasi.

Kulan hawleedkaasi oo socon donna muddo laba maalmood ah oo uu shalay magaaladda Hargaysa ka furay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, waxaa qaban qaabadiisa iska kaashaday wasaaradda deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.

Tababarkaasi ayaa u jeedadiisu tahay sidii sidii loo dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee soo saarra Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya iyo kuwa ka ganacsada iibinta Dhoobo-dheriga Dhuxusha madhxiya.

C/naasir Axmed Xirsi, oo faahfaahin ka bixinayay qorsheyaasha wasaaradiisu ugu tallo gashay yaraynta isticmaalka Dhuxusha iyo jarista dhirta, waxa uu yidhi, “Wasaaradda deegaanku waxay ku hawlan tahay, sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha. Waxaanu samaynaa, oo aanu dhiiri gelinaa, in gurri kastoo magaalooyinka Somaliland ku yaalla, lagu isticmaallo Gaasta cunto-karinta, halka markii hore laga isticmaali jiray  Dhuxusha”.

Agaasimuhu waxa kaloo uu sheegay in guud ahaanba Somaliland afartii sanadood ee u danbeeyay ay aad u korodhay isticmaalka Gaasta wax lagu karsado. “Sanadkii 2016-kii, Gaastii Somaliland u soo degtay waxay ahayd, sided boqol oo Mitricton (800 MT). afar sanadood kadib waxaa soo degay, dedaal badan oo aan samaynay iyo dadkeenii oo fahmay darteed, waxaa inoo soo degay afar iyo labaatan kun oo Mirticton (24000 MT), oo Gaasta cuntadda lagu karsado ah.

In ay  sanadkiiba inoo soo degaan. Gaastaasi waxay daawo ka tahay ama bad-baaddo u tahay in aynu yarayno isticmaalka Dhuxusha iyo jarista dhirta.

Mar kastoo Dhuxusha aynu isticmaalnaa ay yarato, waxaa yaraanaya ama bad-baadaya dhir badan oo aynu jari jirnay”.

Geesta kale agaasime C/naasir Axmed Xirsi, ayaa kula dar-daarmay ka qayb galeyaasha tababarkaasi in ay isku xidhnaadan, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u soo saari lahaayeen cadad fara badan oo ka haqab tira bulshadda oo Gir-gireyaasha madhxinta Dhuxusha ah.

Waxaanu yidhi, “Waxaa la idiinka baahan yahay, in aad isku xidhnaataan. Iskuna daydaan in inta ugu badan, ee aad soo saari kartaan, ee ah Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ah, oo guryaheena aynu gaadhsiin karno, aynu gaadhsiino. Idinku na xidhiidhkiina wada shaqayneed, aad sii kordhisaan. Dadka kale ee saaxiibadiin ah, ee ka ganacsatadda Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya, aad ku soo xidhaan, dadka farsameeya Dhoobo-dheriga Dhuxusha madhxiya”.

Sidoo kale waxaa isna madashaasi ka hadlay Cabdi Abokor, oo ah sarkaal ka socday haayadda UNDP oo ka mida haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka.

Waxaanu ku booriyay ka qayb galeyaasha kulan hawleedkaasi in ay isku xidhmaan, isla markaana ay abuuraan xidhiidh keeni kara sidii loo heli lahaa Gir-gireyaal lagaga maarmo isticmaalka Dhuxusha.

“Dadka samaynta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ka shaqeeyaa, tababarro hore ayay soo mareen. Dedaallo hore oo ay wasaaradda deegaanku la samaysay ayay qabaan. Dedaalkaasi waxay u jeedadiisu tahay in ay alifaan, wax isticmaalka Dhuxusha yareeya, oo gurri kasta oo reer Somaliland ah wadda gaadha, oo wax u tarra. Muhiimadu waa taa.

Ganacsatadda na, u jeedadda laga leeyahay waxay tahay, in ay iyaga iyo dadka Gir-gireyaasha sameeyaa, isku xidhmaan, oo ay macmiil noqdaan, oo ay iyagu na dadkii gaadhsiiyaan” ayuu yidhi Cabdi Abokor.

Dhinaca kale xubno ka mid ahaa farsamoyaqaanadda soo saarra Dhoobo-dheriga Dhuxusha madhxiya ayaa soo dhaweeyay dedaaladda wasaaradda deegaanku ugu jirto sidii loo saari lahaa Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya.

Cawil-burhaan Ibraahim Jaamac, oo ka socday magaaladda Burco oo madashaasi hadal ka jeediyay, waxa uu yidhi, “Aad baan kalsooni buuxda ugu qabaa, in la helayo  dhalinayaro fara badan oo si fiican u samaynaya Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya, oo khibrad leh.

Dumarka suuqa ku iibiyaa na, si fiican bay u iibiyaan, bulshadu na fikir fiican bay ka haysataa. Markaa sumcadiisa in la bad-baadiyo ayuun baa muhiim ah”.

 

COMMENTS
Latest News