Gabileynewsonline.com
Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland Mawqifkii ay ka qaadatay Hayada UN-Ka.
October 29, 2020 - Written by admin

Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads
(SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo
gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland Mawqifkii ay
ka qaadatay Hayada UN-Ka.
Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads
(SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo
gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland go’aanka
geesinimada leh ee ku wajahan heshiiska liidnimada ah ee Somaliya iyo UN-ka, kaas oo ay Somaliland
ganafka ku dhufatay kuna joojisay wada-shaqeyntii xafiiska hay’addaa ee ka hawlgala Somaliland iyo
tallaabooyinka laga qaaday mashaariicdii UN-ku ka wadeeen gudaha Dalka.
Mawqifka xukuumaddu waa mid lagu xaqiijinayo Madaxbannaanida Qaranimada Jamhuuriyadda
Somaliland, iyo inay tahay dal gooni u taagan oo taladiisa aan cidna u daba fadhiisanayn cidna aan
marti uga noqonayn.
Waa tallaabo ku dhac leh oo kor u qaadday karaamada iyo sharafta qaranimada iyo haybadda
dawladnimo. Waxayn ka turjumaysaa dhaqanka Somaliland ee keena-diidka ah, oo aan marna aqbali
Karin bahdil, da’la’si iyo liidnimo.
Qaraarkani wuxu markhaati u yahay muqaddasnimada Somaliland iyo in aan marnaba, sinaba
gorgortan u geli Karin qaranimada jamhuuriyaddan barakaysan.
Bayaanka xukuumadu soo saartay wuxu cashar u yaha y una quus gooynayaa dadkii soo
malmalluuqay Qorsha-ku-sheegga Somaliya iyo ergayga UN-ka ku heshiiyeen, kuwaas oo ah dad
xogmooyayaal ah oo aan dhugmo u lahayn sooyaalka taariikheed ee dadka iyo dalka Somaliland.
Ummadda Somaliland waa qawmiyad iyo qaran aan la sandulleyn Karin laguna dagi Karin sandareero.
Waa ummad qab leh oo quudhsi diid ah oo aan sinaba loo muquunin Karin.
Guul iyo Gobanimo
Guddida Fulinta
Somaliland Society in the Netherlands (SSNL)

COMMENTS
Latest News