Gabileynewsonline.com
Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Weftiyo Ka Socda Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti
October 29, 2020 - Written by admin

Wufuuddan oo ay hoggaaminayeen wasiirrada ciyaaraha u qaabilsan dalka Jabuuti, Mudane Xassan Maxamed kaamil iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Cumar-Siyad Ibrahim Ahmed ayuu madaxweynuhu uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay uga soo qaybgaleen furitaanka tartanka gobollada Somaliland, waxana uu ka guddoomay salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda.

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ciyaaraha iyo madaxda xidhiidhka kubbadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka uu madaxweynuhu la qaatay wufuudda ka socotay dalalka deriska ah.

         

COMMENTS
Latest News