Published:

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in weerar miino ah lala beegaday ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 6 askari ayaa lagu dilay, 4 kalana waa lagu dhaawacay ka dib markii qarax miino loo dhigay gaadhi ciidan oo ay la socdeen, duleedka galbeed ee degmada Balcad oo 30km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ayaa idaacada VOA u xaqiijiyay in gaadhiga qaraxa loo dhigay uu ka tagay Balcad kuna socday deegaanka Daniga oo dhowaan ay ciidamada Soomaaliya saldhig ka dhigteen.

Laba askari oo ka mid ah ciidankii gaadhiga saarnaa ayaa qaraxa ka badbaaday, iyadoo afarta askari ee dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dabiibo, sida ay ilaha xog ogaalka ahi u sheegeen idaacada VOA.

Sidoo kale, galinkii hore ee maanta laba qof oo shacab ah oo saarnaa mooto ayaa iyagana lagu dilay deegaanka Basra oo u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye

Weli cid sheegatay ma jirto weerarka, hase yeeshee weerarrada ka dhacay deegaankaas waxaa inta badan gaysta ururka Al-Shabaab, sida ay aaminsan yihiin mas’uuliyiinta amniga ee Soomaaliya.

News Related