Published:

Ra’iisal waaaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta gaadhay magaalada Godey ee deegaaanka Soomaalida ayaa halkaasi ka dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo waddo 300KM.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa dhagaxdhiga mashruucan wadooyinka ku wehelinayay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Itoobiya.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen, madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar, madaxweynaha ismaamulka Oromiya Shimelis Abdisa iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xaflada daahfurka mashruucan oo lagu qabtay magaalada Goday ee deegaanka Soomaalida.

Waxaa lagu sheegay munaasabadan in waddooyinka lagu dhisayo mashruuca oo ay ku baxayso 6 Billion Birr ay ka mid yihiin Gode-Kelofo Lot-1, Gode-Hargele Lot iyo Yale-Dana Lot-3.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida ay u baddali doonaan mid horumar.

Isku xidhka bulshada maxalliga ah ka sokow, waddooyinkan waxay awood u siinayaan isku xidhka suuqa iyo inay magaalada Goday ka dhigaan xarun horumarineed.

       

News Related