Published:

Somaliland La Wada Leeyahay: Halku Dheggii Marxuun Cali Khaliif”Siyaasi Cali Guray

AHN Eh Geerida Cali Khaliif Galaydh Naxdin Wayn Kuma Aha Kuwa Beenta Iyo khiyaamada u yaqaan siyaasadda ee iyagu laasimay Ee dhaqanka ay u noqotay oo ah inta ugu tirada badan siyaasiyiinta soomaalida. Waayo iyaga runta Cali Khaliif aanu uga tudhi jirin ee goor walba la soo taagnaa ayaa ku ahayd gantaalo wadnahooda ku dhacayay. Cali wuxu garabkooda ka baxay oo ku goblamay intii ku taageersanayd runta, daacadninada, iyo jacaylka dadkiisa midnimadooda, wax wada lahaanshahooda in si cadaalad ah wax u wada qaybsadaan. Taas oo colaad iyo cadaawad badan loogu qaaday oo ay ugu qaadeen kuwa intaas oo dhan ka soo horjeeda sababtuna tahay keliya danaysiyadooda gar ahaaneed oo aanay ka dhex arkin. Cali Khaliif waxaynu ku xusuunaan doonaa, gaar ahaan Somaliland. SOMALILAND MID AH, LA WADA LEEYAHAY TALADEEDANA LOO WADA DHAN YAHAY LOONA WADA SIMAN YAHAY. Taas ayuu isaga wax kasta ka horaysiin jiray xataa wadahadalada Somaliland iyo Somaliya.

Sawirka waa markii uu Hargeysa yimi oo aanu si kedis ah u kulanay. Waxan kula kaftamay maalinba ninka kaynta ku dambeeya ayaa Mujaahid ahe soo dhawow Mujaahid oo la wareeg.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

News Related