Gabileynewsonline.com
Shabakada Gabiley News Network
“Cali Khaliif Gallaydh Wuxuu Ahaa Shakhsiyad Caan Ka Ah Dhulka Soomaalida ,Wuxuu Ahaa Aqoonyahan Professor Ahaa ,Siyaasi ,Iyo Weliba Dhaqan-yaqaan”W/Q Axmed Siciid Cige
October 8, 2020 - Written by admin
T A C S I
Ilaahay ha u naxariisto Cali Khaliif Gallaydh oo geeridiisa maanta 8/10/2020 duhurkii la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga oo uu safar gaaban ku joogay , isagoo sanadihii danbe deganaa magaalada hargeysa .
Cali Khaliif Gallaydh wuxuu ahaa shakhsiyad caan ka ah dhulka soomaalida , wuxuu ahaa aqoonyahan professor ahaa , siyaasi , iyo weliba dhaqan-yaqaan .wuxuu soo qabtay xilal kala duwan ilaa uu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ee somaliya 2000-2002 . wuxuu mudooyin danbe aasaasay maamulkii la baxay Khaatumo oo markii danbe la heshiiyay dowlaada somaliland . marar kala duwan oo xasaasi ahaa ayaa Cali Khaliif aan wareystay ama shaqo warbaahineed na dhexmartay .
Aad ayuu iigu qaddarin jiray shaqadeyda warbaahinta , waxaana uu igala soo qaybgalay xafladii daahfurka buugeyga WARJIRE ee 28.2.2020 ee Hotel Maansoor oo uu hadal hambalyo ahaa ka jeediyay . waxaan tacsi u dirayaa qoyska , asaxaabta iyo guud ahaan shacabka
Axmed Siciid Cige
Hargeysa Somaliland

COMMENTS
Latest News