|
|||||
Gabileynewsonline.com
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Hakisay dhammaanba Wixii wada-xaajood iyo wada-tashiyo ah ee la xidhiidha mashaariicda iyo hawlaha shaqo ee ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan dalka Somaliland. Sidaana waxa lagu caddeeyey qoraal uu soo saaray Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Axaddii maanta (25 October 2020), laguna socodsiiyey Hay’adaha UN-ka, iyadoo qoraalka lagu shaaciyey in laga bilaabo taariikhda warqaddu soo baxday aanay jirin doonin wax wada-xaajoodyo iyo wada-tashiyo ah oo ay yeeshaan Somaliland iyo Hay’adaha UN-ku, ilaa inta uu soo baxayo amar kale oo khuseeya mawduucan. Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland laguma xusin sababta keentay in wada-xaajoodyo laga yeesho mashaariicda kala duwan ee UN-ku ka fuliyaan Somaliland, balse shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland 17 October 2020, ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed lagu caddeeyey in Qarammada Midoobay iyo Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Muqdisho ay kala Saxeexdeen Heshiis meel-ka-dhac ku ah Qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, Halka sidoo kale ay Golaha Wasiirradu sheegeen in heshiiskaas oo lagu kala saxeexday Muqdisho 15 October 2020 uu yahay Mid farogelin ku ah arrimaha gudaha dalka Somaliland, sidaa darteedna aanay suurtogal ahayn in waxyaabaha ay UN-ka iyo Soomaaliya ku heshiiyeen uu ka shaqeeyo, kana dhaqangalo dalka Somaliland. Qoraalkan ka soo baxay Wasiirka Qorshaynta Somaliland ee loo kala diray Hay’adaha Qaramada Midoobay Axaddii maanta ayaa suurtogal ah inuu yahay mid daba socda go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada Somaliland ee lagaga soo horjeedsaday heshiiska khuseeya qorshayaasha Qaramada Midoobay kaga shaqaynayso Soomaaliya shanta sanno ee soo socota, qorshayaashaas oo qaybo ka mid ah lagaga xusay Jamhuuriyadda Somaliland. HALKAN KA AKHRI; NUXURKA WAR-SAXAFADEED KASOO BAXAY WASAARADA QORSHAYNTA JSL OO LAGU SOCODSIIYAY HAAYADAHA UNta; Berberatoday.com
October 26, 2020 - Written by adminSaleemo Saarka Suldaan cabdinuur Sheekh Cabdilaahi Jimcaale oo noqon doono Suldaanka Guud ee beelaha jibraacin ee somaroon ayaa lagu qabtay deegaanka Jufo Galiilay Amaba Jufo Mici dheer, oo katirsan gobolka Awdal. Munaasibada Caleemo saarka suldaan cabdinuur oo ahayd mid heersare loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay madhaqameedka Somaliland,masuuliyiin ka socday xukumada Somaliland iyo ismaamulka somaida Itoobiya. Waxaana Munaasibada caleemo saarka suldaan cabdinuur hadalo ka jeediyay ugu horay Gudidii beesha Jibraacin ee suldaanka soo xushay madaxdhameedkii kasoo qaybgalay wasiiro katirsan xukuumada maaxwayne biixi iyo siyaasiyiin kale oo reer somaliland kuwaasi oo dhamaan. Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Caleema Saarka Suldaan Cabdinuur Sheekh Cabdillahi
COMMENTS
|
Latest News
|