Muna Maxamed Jibriil, agaasimaha Waaxda Horumarinta Cududa shaqaalaha, ayaa sheegtay inay tababarkan ku gacan-siinayaan Waaxda Qiimanta iyo Hawl-qabadka ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda,taas oo qeyb ka ah horuminta aqoonta iyo Fahamka shaqadda ee Shaqaalaha Dawladda ee ay xafiis-ahaan u xil-saaran yihiin.
Guddoomiyaha hay’adda shaqalaaha, Farxaan Aaddan Haybe, waxa uu sheegay in hay’adda shaqaalahuhu ay tahay hormuudka shaqaalaha Qaranka iyo muraayadda laga dheehanayo tayadda shaqaalaha, isla-markaasna ay muhiim tahay in lagaga daydo tayadda iyo shaqo-wanaaga.
Guddoomiye Farxaan, waxa uu si weyn u amaanay Waaxda Shaqaalaynsiinta, xulista iyo dalacsiinta shaqaalaha dawladda, taas oo uu ku bogaadiyay inay wakhtiyo dheeri ah shaqeeyaan iyada oo aan dheef gaar ah lagu siinin, balse ay tahay abaal iyo tacab ay Qarankooda gashanayaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in arrimaha ugu muhiimsan ee Tababarkan lagu qaadan doonaa, ay tahay tayadda wax-soo-saar ee shaqaalaha, waxaana uu u soo jeediyay in sida uga haboon uga faa’iidaystaan Macluumaad-is-weydaarsigaas halka maalin ah.
Tababarkan ayaa waxa fulinayay Cali Maxamed Saalax, agaasime ku-xigeenka waaxda maaraynta Hawl-qabadka hay’adda Shaqaalaha Dawladda.