Published:

    

Haayadda dhawrista Tayadda Badeecadaha Somaliland ayaa baadhitaano ka samaysay Dukaamadda iyo Bakhaarrada magaaladda Burco.
Waxaanay baadhitaanno la xidhiidha tayadda badeecaha ay iibiyaan ka sameeyeen dukaamadda raashinka iyo Farmasiiyadda daawooyinka iibiya.
Baadhitaankaasi ayaa qayb ka ah hawlaha shaqo ee caadiga ah ee ay haayadda dhawrista Tayadda badeecaduhu qaranka u qaabilsan tahay.
Sida uu sheegay isuduwaha haayadda dhawrista Tayadda Badeecadaha Somaliland ee gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Cabdi, oo maanta la hadlay warbaahinta dawladda.


“Ganacsatadda waxaan ugu baaqayaa Jumladleyaasha iyaga waan bulawnay hawshoodda baadhitaanka. Wershadaha iyo Bakhaarleyda kormeer ayaanu ku wadnaa” ayuu yidhi Maxamuud Saleebaan Cabdi.
Waxa kaloo uu sheegay in ganacsatadda looga baahan yahay in ay raashinka ku kaydiyaan goobo ku haboon, isla markaana ay raacaan tallooyinka haayadda dhawrista tayadda badeecaha Somaliland.
Waxaanu yidhi. “Waxaana laga doonayaa in meelaha ay raashinka ku kaydinayaan ay noqoto goobo ku haboon.
Tallo bixin ayaanu siinaynaa. Laakiin, waxaa looga baahan yahay Bakhaar walba inuu ogaado, ganacsigaagana way u xun tahay, dadweynahana way u xun tahay”.
Geesta kale Maxamuud Saleebaan Cabdi, waxa uu sheegay in iyagoo ku dedaalaya ilaalinta caafimaadka bulshadda in ganacsatada daawooyinka soo dejiyaa ay haayadda tayadda la soo socod siiyaan ka hor inta aanay bakhaarrada ku soo dejinin.
Waxaanu yidhi, “Haayadda dhawrista tayadu waxay ilaalinaysaa bed-qabka badeecadaha iyo caafimaadka bulshadda. Ganacsatadda Daawooyinka keena, waxaanu faraynaa in ay ilaaliyaan sharciga iyo heshiiskii lagu amray. Ka hor inta aanay daawooyinka soo gelinin waa in ay nala socod siiyaan”.


“Dadweynahana waxaanu ka rejaynaynaa in wixii badeeco dhacay ah, ee ay ogaadaan ama ay arkaan in ay nala soo socod siiyaan. Waayo? Haddii aanay dadweynuhu nala shaqaynin, waajibaadkayaga si fiican uma gudan karno” ayuu yidhi isuduwaha haayadda dhawrista tayadda ee gobolka Togdhee

News Related