|
|||||
Gabileynewsonline.com
Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedka Marxuum Cali Khaliif Galaydh Oo Kooban
October 9, 2020 - Written by adminProf Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool 15 October, 1941-kii, halkaas oo uu ku soo qaatay qaybihiisii hore ee noloshiisa dhalinyarnimo iyo waxbarashada aasaasiga ah. Waxbarashadii dugsiga Sare waxa uu ku dhammeystay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah waxa uu qeybo ka mid ah ku soo qaatay jaamacado dibadda ah ilaa uu ka dhammaystay waxbarashada heerka Shahaadada PHD. 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu noqday Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii Kacaanka. Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Raysal-Wasaaraha Soomaaliya sannadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta. 20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa. Sannadkii 2014-kii Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo. Allaah ha u naxariistee Marxuum Galaydh, waxa aas qaran loogu samayn doonaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, haddii Illaahay idmo.
COMMENTS
|
Latest News
|