Published:

 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta shaacisay tartanka isku-aadka ciyaaraha gobollada Somaliland oo dhowaan ka furmi doona caasimadda Hargeysa.

Waxa madashii lagu shaacinayay isku-aadkaasi kasoo qayb galay Wasiirrada wasaaradaha Ciyaaraha, Gaashaandhigga iyo qaar ka mid ah badhasaabbada gobollada dalka, waxa iyaguna sidoo kale goobjoog ka ahaa bahweynta ciyaaraha.

Ugu horreyn waxa goobtaas ka hadlay agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo si rasmiya u shaaciyay kooxaha isku-aadka u metalaya gobollada dalka waxaanu sheegay inay ku faraxsanyihiin inay u qori tuuraan qaybaha kubadda cagta iyo Baaskidka ee sannaddan 2020-ka, wuxuuna intaas raaciyay in kubadda cagtu ay ka koobnaan doonto afar guruub halka uu Baaskidku ka noqonayo laba guruub oo midkiiba afar yahay, kaas oo ay ka qayb gali doonaan siddeed gobol.

Dhankiisa waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo sheegay inay ka go’antay ka wasaarad ahaan inay sii waddo dardar gelinta ciyaaraha ee dalka, wuxuunao u mahad celiyay shaqaalaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha sida habsamida leh ee ay u soo qabanqaabiyeen Isku-aadka.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isna goobtaas ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyadda ay ciyaaruhu u leeyihiin is dhexgalka bulshada.

Gebgebadiina, waxa halkaasi lagu shaaciyey isku-aadka tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee sannadka 2020-ka oo afar guruub ka koobnaan doona. Waxayna kala noqonayaan Group A waxa ku wada jira gobollada Hawd, Buuhoodle, Maroodi-jeex iyo Saraar, halka Group B ay ku wada jira Saaxil, Sanaag, Daadmadheedh iyo Xaysimo.

Sidoo aklle, waxa Group C ku wada jira gobollada Awdal, Badhan, Salel, halka ay Group D ku wada jiraan gobollada Gebilay, Sool, iyo Togdheer.

Ciyaaraha Baaskidka oo ka kooban laba Group ayaa iyana ku kulmi doonaan Group A oo ay ku wada jiraan gobollada, Hawd, Sanaag iyo Maroodi-jeex, halka Group B ay ku wada jiraan gobollada Awdal, Saaxil iyo Gebilay.

 

 

News Related