Published:

  

Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa la-taliyeyaashiisa waxaa uu u sheegay in uu doonayo in laga soo saaro Ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo caawiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida lagu daabacay mareegta ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee bloomberg.com Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya kajooga in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM kala qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa sheegeysa in tallaabadaan uu Madaxweyne Trump uga gol leeyahay dardar gelinta ololihiisa doorashada, waxaana waaxda difaaca Mareykanka iyo la-taliyaha Amniga Qaranka ay diyaarinayaan qorshihii lagu fulin lahaa Amarka Trump.

Mareegta ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee bloomberg.com ayaa kasoo xigatay Saraakiil ka tirsan Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) in ay uga digeen Madaxweyne trump in Ciidamada ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, isla markaana ay fursad u noqon karto Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda soomaaliya iyo dowlaha taageera.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab haba ugu badnaadaan duqeymo dhinaca cirka ah iyo tababaro ay siiyaan ciidamada Soomaaliya.

News Related