Published:

    

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabd ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan nafood oo shacab ah iyo hanti ummadeed oo dulmi lagu burburinayey.

Madaxweynuhu waxa uu sharaf iyo karaamo ku tilmaamay cid kasta oo ku sifowda halgan iyo ka gilgilasho dulmi, isaga oo xusay in dagaalkii Magaalooyinka Somaliland lagu duqeeyey uu ahaa mid dad badan oo Soomaali ahi ku waxyeelloobeen.

“Halganka, xornimo-doonka iyo shahiidnimadu waa farxad iyo ummad loo taliyo, mana aha wax laga baqo iyo wax laga argogaxee waa waxa ay noloshu ku dhisan tahay, dagaalkuna muu ahayn mid qolo u socdee Soomaali oo dhan baa joogtay dhulka la garaacayey ee Burco iyo Hargeysa Joogay, cid walibana way ku noolayd,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

News Related