Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Axmed Mire Maxamed, oo ka mid ahaa udub-dhaxaadkii Ururkii SNM.
Kulanka ayaa waxa madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Boos Mirre Maxamed.