Published:

a tirsanaa maleeshiyadda Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland ee aagga deegaanka Boocane ee gobolka Sool.

Waxa maleeshiyaadka ka soo goostay maamulka Puntland si diiran u qaabilay Maayarka degmada Boocane Faarax Cali Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Qaranka ee degmada Boocane.

Sarkaalkii hogaamiyey maleeshiyeedkaasi oo la yidhaahdo Gaashle Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in dalkoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ka soo goosteen Maleeshiyada Puntland oo uu sheegay inay Caddaalad darro ba’an iyo  reernimo ku hayeen. Waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in lagu soo dhaweeyo deegaankoodii islamarkaana ay ka mid noqdaan ciidammada qaranka Somaliland.

Maayarka  degmada Boocane ee gobolka Sool, Faarax Cali Maxamed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidanka ka soo goostay Puntland oo uu xusay in u dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland kana soo jeedaan deegaanka Boocane, waxaanu tilmaamay inuu ciidankaas uga mahad celinayo inay garteen inay u soo hiloobeen dalkoodii isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Boocane, Axmed Jaamac Cartan ayaa  sheegay inay si niyadsami ah u soo dhaweynayaan  ciidammadaas ka soo goostay Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo ku baraarugay xaqiiqda isla markaana xuquuqdooda ka heli doona ciidammada Somaliland.

News Related