Published:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socday Midawga Yurub.

Shir ay yeesheen guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo  masuuliyiin ka socday dalalka Midowga Yurub ayaa lagu gorfeeyay is-kaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Waftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay xafiiska EU-da  ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrimaha la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka qaateen hay’adda garsoorku iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayo in ay dalka ka qabsoonto.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyay taageerada ay Somaliland siiyaan isagoo u soo jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi.

Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, isagoo xusay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo.

Waxa kale oo guddoomiyuhu la waddaagay waftiga ka socday dawladaha Yurub iyo Ururka Midawga Yurub in garsoorku marwalba soo dhaweeyo isla markaana uu cabashadooda dhagaysto Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka difaaca.

Gaba-gabadii waftiga iyo guddoomiyaha ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.

   

News Related