Published:

    
 Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka gobolka Sool ayaa cabasho xoogan ka muujiyay shirkada Indho-deero group.
Odayaashan oo maanta shir Jaraa’id ku qabtey magaalada Laascaanood, ayaa qaylo-dhaan ka soo saaray Dhul Wershedeed oo ku yaalla magaalada Hargeysa oo ay sheegeen inay dhac u geysatey Shirkadda Indha-deero Group oo taageero ka heleya masuuliyiin ka mid ah garsoorka Maxkamadaha Hargeysa waa sida ay ku doodeene.

Waxaanay Odayaashani baaq u direen Madaxda Dhaqanka, Wax-garadka, Aqoonyahanka, Garsoorka Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan dowladda Somaliland inay wax ka qabtaan boobka dhulkooda lagula wareegayo. Waxaanay u digeen Shirkadda Indha-deero.

News Related