Published:

Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay u adeegsadeen qaar ka mid ah Bangiyada Soomaaliya inay lacago ku kala wareegsadaan.

Inkasta oo xayiraadaha Golaha Ammaanka lagu mamnuucay in hay’adaha maaliyadda ay la macaamilaan Al-Shabaab, haddana warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay heshay habab ay akoonada banki iyo adeegga lacagaha la isgu diro ee milobe-ka ugu adeegsandaan inay ku keydsadaan, ku kala gudbiyaan kuna sameystaan maal-gashi.

Warbixinta ayaa waxaa soo saaray kooxda khubarada Qaramada Midoobey ee kormeerka Soomaaliya, waxaana helay New York Times ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin.

Warbixinta ayaa heshay caddeymo muujinaya in howl-wadeeno ka tirsan Al-Shabaab ay lacago dhigteen islamarkaana ku kala gudbiyeen akoono ka tirsan bangiga Salaam Somali Bank, oo ka mid ah bankiyada ugu weyn Soomaaliya.

Bangiga Salaam Somali Bank oo jawaab ka bixiyay warbixinta New York Times ayaa sheegay inaanay marnaba akoon u furin shaqsiyaad iyo hay’addo ay saaran yihiin cunqabatayno, islamarkaana ay qaadeen tallaabo ka dhan ah akoonada laga shakisan yahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay ka faa’iideysato hanaanka bangiyada Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxay hanaanka bangiyada Soomaaliya u adeegsadaan inay u sahlaan inay si deg deg ah ugu kala gudbiyaan uguna qeybiyaan lacagaha tirada badan, oo ay ku jirto goobaha ayna maamulin, taasi oo meesha ka saartay halistii ku qasbi lahayd inay lacagaha u kala gudbiyaan kaash ahaan,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixinta oo dabooleysa bishii December 2019 illaa August 2020 ayaa qorayaasheeda waxay ku heleen caddeymo muujinaya in Al-Shabaab ay mudadaas soo xareeyeen dakhli dhan 13 Milyan oo dollar. Lacagtaas ayaa waxaa ku jira 2.4 Milyan oo dollar oo laga ururiyey jidgooyooyin Al-Shabaab u yaalla Jubbooyika, halka 5.8 milyan oo dollar ay Al-Shabaab ka qaadeen ganacsatada iyo dekadda magaalada Kismaayo.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in laba akoon oo ku xidhan Al-Shabaab ay lacago ku shubeen xarumo ganacsi iyo hay’ado alaabaha dhoofiya, lacagtaas oo gaadheysa 3 milyan oo dollar.

Afhayeen u hadlay Salaam Bank ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin ka dhan ah dhowr akoon oo shaki uu soo galay ama sameeyey dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyey.

News Related