Published:

    Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gebogabeeyay Shirweynihii Afraad ee xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE oo maalmahan ka socday caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa soo xidhay shirweynaha xisbiga.
Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.
Shir-guddoonka shirka ayaa sheegay in ay shirka ka soo xaadireen 234 xubnood oo golaha dhexe ah, sidaasi darteed ay iyagu xaga dambe kaga dari doonaan 7 xubnood ee aan xaadirka ahayn.

News Related