Published:

Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa daah-furtay cilmi-baadhista addeega caafimaadka shaqaalaha dawladda.

 Waxaana munaasibaddaas ka qeyb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka gollayaasha iyo arrimaha Dastuurka, Ciyaaraha iyo dhallinyarada, Agaasime Ku-Xigeenka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Bahda Caafimaadka iyo marti-sharaf kale.

Ugu Horeyn Agaasime Ku-Xigeenka Mac-hadka Hay’adda Shaqaalaha, dawladda Mustafe  Axmed Maxamuud, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Mac-had-ahaan awood u leeyihiin inay soo bandhigaan daraasad dhamaystiran oo ku saabsan sidii shaqaalaha Dawladda looga gacan siin lahaa helista adeegyo caafimaad oo ay awoodi karaan.

 Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Gollayaasha iyo Ciyaaraha, oo iyaguna halkaas hadal ka jeediyey ayaa si weyn u bogaadiyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Qorshaha iyo himilada uu soo bandhigay, waxaanay hoosta-ka-xariiqeen muhiimada uu barnaamijkani u leedahay shaqaalaha dawladda.

 Prof. Diiriye Xasan, hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa soo jeediyay inay dawladdu xidhiidh la samayso Cisbitaaladda waaweyn ee Dalka, si ugu yaraan qeyb loo daboolo baahida Caafimaad ee shaqaalaha Dawladda.

 Guddoomiyaha Hya’adda Shaqaalaha Dawladda, Farxaan Aaddan Haybe, ayaa sheegay inay shaqaalaha Dawladdu yihiin laf-dhabarta Qaranka, isla-markaasna ay dawlad ahaan xil iska saarayaan ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah.

 Guddoomiye Farxaan waxa kale oo uu sheegay inay Daarasadan uu Mac-hadka shaqaalaha Dawladdu samaynayaa yahay sidii loo heli la’ahaa qaabka ugu sahlan ee ay Shaqaalaha Dawladdu ku heli la’haayeen adeegyo Caafimaad oo hayntooda u qalma.

 Dhinaca kale, waxa uu guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu sheegay inay Barnaamijkan xukuumad ahaan ay dhaqaaleheeda dhabarka u ridin doonto, iyadoo laga maal-galin doono cashuurta dadweynaha, isaga oo usoo jeediyay Jaamacadaha dalka iyo ciddii ay khusaysaba inay Hay’adda shaqaalaha kala shaqeeyaan ka-midho-dhalinta hirgelinta Barnaamijkan lagu darsayo cilmi baadhista adeega caafimaad ee shaqaalaha dawladu heli lahaayeen.

Gabo-gabaddii waxa Mac-hadka Hay’adda Shaqaalaha dawladu halkaas kusoo bandhigay war-bixin ka hadlaysa habka ugu haboon ee ay hir-galinta daraasadan u marayaan, iyada oo cilmi baadhistan ay sameyn doonaan machadka shaqaalaha dawladdu.

News Related