Published:

    

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay dedaal fara badan geliyeen sidii loo samato-bixin lahaa biyaha badan iyo Ciidda nafaqada leh ee Badda ku shubka marka ay roobabku da’aan.

Iyadoo qorsheyaasha ay wasaaradu hiigsanayso sanadaha soo socda ay muhiimadda koowaad siinayaan sidii loo bad-baadin lahaa dhaqaalaynta biyaha iyo Ciidda Badda galla.

Waxaanu tilmaamay in ay arrintaasi wax ka qabashadeedda ka bilaabeen dooxa Biji oo ku yaalla gobolka Gabiley, kaasoo imika meel gebagebo ah maraya.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan hawleed lagu dersayo diyaarinta qorshaha ay wasaaradda beeruhu ku shaqayn doonto saddexda sanadood ee soo socda oo uu maanta ka furay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi ayaa socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa mudadda uu socda qorshe hawleedka wasaaradda beeruhu ay ku shaqayn doonto saddexda sanadood ee soo socda. Kaasoo ka bilaabmaya sanadka 2021-ka ilaa 2023-ka.

Barnaamijkan waxaa wasaaradda beeraha gacan ka siinaya haayadaha caalamiga ah ee ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin. Iyadoo ay dhinaca dhaqaalaha ee diyaarinta qorshahaasi ay wasaaradda ka taageerayso haayadda Oxfam.

Wasiirka beeraha ayaa faahfaahin ka bixiyay meelaha ay sida gaarka ah muhiimadda u siinayaan wax ka qabashadood ee  ku jira qorshahaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay, in mudadii aan joogay wasaaradda beeraha, in ay yeelato qorshe ay ku shaqayso (strategic plan), saddexda sanadood ee soo socda. Iyadoo laga duulayo qorshaha labaad (NDPII) ee horumarinta qaranka Somaliland.

Wasaaradda beeruhu, waxay awood badan saari doontaa, oo qorshahani idiinka muuqan doona, wax soo saarka beeraha oo kor loo qaado. Dhisidda awoodaha shaqaalaha wasaaradda oo iyag na kor loo qaado, gaar ahaan dhinaca tababaradda iyo aqoontoodda oo kor loo qaado. Iyo horumarinta adeegga suuq-gaynta dalagyadda beeraha dalka ka soo go’a.

Iyo kor u qaadidda ama maaraynta khayraadka dabiiciga ah. Sida dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha, oo mashaariicda ugu badan ee ay wasaaradda beeruhu hadda awood badan saartay, in ay wasaaradu ka yeelato siyaasad dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha”.

Sidoo kale wasiir Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in somaliland lagu qiyaaso wadamadda hella roobka badan, hase yeeshee biyaha roobka ka dhasha oo waata Ciidda nafaqadda leh ee wax beerista ku haboon ay Badda galaan.

Sidaas darteed na ay wasaaradda beeruhu ahmiyadda koowaad siinayso sidii loo bad-baadin lahaa biyaha Ciidda nafaqadda leh ee Badda ku shubma.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Wadankeenan Somaliland, waxaynu u jirnaa wadamadda roobka ugu badan hella, ee hada na biyaha roobkiisu inta badan ay Badda inaga galaan.

Sidaas darteed, waxay wasaaradda horumarinta beeruhu go’aansatay in aanu ku dedaalno sidii aan u samato-bixin lahayn ama aan u joojin lahayn Ciidda iyo biyaha Badda inaga gelaya.

Mashruucaasi oo imika si xawli ah u socda. Iyadoo dooxyadeena aanu ku bilawnay dooxa Biji, ee ku yaalla gobolka Gabiley. Kaasoo imika ku dhaw gebagabo.

Waxaanu doonaynaa in aasaaska u horeeya ee aanu ka dhisayno wasaaradda beeruhu in ay noqoto, sidii loo samato-bixin lahaa ama sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha, ee loo joojin lahaa biyaha faraha badan ee Badda inaga gelaya. Iyo Ciidda oo iyadu na Labeentii ay dadka beeralayda ahi wax ku soo saari lahaayeen ay Badda inaga galaan”.

Geesta kale wasiir Seed, ayaa ka codsaday khubaradda wasaaradda ka caawinaya diyaarinta qorshahaasi in marka ay eegaan ee ay dersaan in ay wax na ku dari karaan, wax na ka saari karaan.

Taasoo uu wasiirku sheegay in ay muhiimad weyn u tahay.  “Wasaaradda beeruhu iyadoo arrintaa ka duulaysa, waxay maanta halkan hortiina ku soo bandhigaysaa qorshaha ay ku shaqayn doonto saddexda sanadood ee soo socda. Taasoo ka bilaabanaysa sanadka 2021-ka ilaa 2023-ka.

Sidaas darteed, idinka na waxaan idinka dalbanaynaa aqoon yahamiintii na madashan fadhiya, in marka aad akhridaan qorshahaasi, in aad wax na nagu darri kartaan, wixii aqoontiina ah, oo runtii noo muhiim ah ayaanu u baahan nahay”ayuu yidhi wasiir Seed.

Dhinaca kale waxaa furitaanka kulan hawleedkaasi hadalo ka jeediyay agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda beeraha Somaliland iyo masuul ka socday haayaddda Oxfam oo diyaarinta qorshahani ka caawinaysa wasaaradda beeraha.

 

 

News Related