Published:

Kulanka oo ay ujeedadiisu ahayd sidii looga gaashaaman lahaa loogana hortagi lahaa xannuunka aafada ah ee Covid-19, oo adduunka ku soo laba kacleeyey si halis ahna u faafaya ayey masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland kulan ka yeesheen sidii bulshada looga wacyigelin lahaa halista xannuunkaas iyo faafitaankiisa.
Wuxuuna wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Badde, kula dardaarmay masuuliyiinta iyo hawl wadeenada caafimaadka ee wasaaraddaas iyo hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin in ay kor u qaadaan adeegyada iyo wacyigeilnta ay bulshada u hayaan si looga hortago xannuunkaas aafada ah ee Coronavirus.
Sidoo kale, wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi waxa uu tilmaamay in xannuunkaasi uu wali adduunka ka jiro uuna ku laba kacleeyey dalal badan oo uu hore uga baxay.
Isaga oo bulshada u soo jeediyey in ay taxadar ka yeeshaan isla markaana raacaan shuruudihii ay soo saareen guddida heer qaran ee xakameynta Covid-19, ee la xidhiidhay xakameynta xannuunkaas ee la soo saaray wakhtigii xayiraadaha la qaaday.

News Related