Published:

    Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta kulan u qabatay masuuliyiin ka kala socday wasaarradaha dawladda iyo haayadaha madaxa banaan.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda deegaanka ee Hargaysa, ayaa ku saabsanaa sidii xog ururin loogu samayn lahaa arrimaha deegaanka.

“Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), ayaa maanta shir u qabatay hawl-wadeeno ka socda wasaaradaha dawlada iyo haayadaha madaxa banaan”.


U jeedadda kulankaasi ayaa lagu sheegay, “Kulankaas waxaa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa ururinta xogta deegaanka heer qaran iyo sidii loola xidhiidhin lahaa xeerarka caalamiga ah ee loogu adeego deegaanka iyo noolaha (rio convention)” ayaa lagu yidhi war kooban oo lagu baahiyay deganka ay Facebook ku leedahat wasaaradda deegaanka Somaliland.

News Related