Published:

    

Wefdi wasiiro ah oo ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa kaga qaybgalay Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Wedtigan ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, ahna xubin ka tirsan gudiga fulinta ee xisbiga Barwaaqo Maxamed Faatax Maxamad, waxanay kala ahaayeen Bashiir Shaafi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Faysal Rashiid Cumar Madaxa Arimaha Xisbiga Barwaaqo.

Masuuliyiintan ayaa marti-sharaf ahaan uga qaybgalay, kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen xisbiga KULMIYE.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hogaaminayo, hogaanka nabadgalayada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ay booqasho ku yimaadeen magaalada Hargeysa.

Ilaa intii uu isbadalku ka dhacay Deegaanka Soomaalida, waxaa sii xoogaysanaya xidhiidh wanaaga ay Dawlada Deegaanka Soomaalidu la samaynayso dalka Somaliland.

   

Hoos ka daawo khudbada mid ka mid ah Wasiirada Dowlad Deegaanka Soomaalida

News Related