Published:

Home  Latest Maayarka magaaladda Oodweyne  Cabdixakiin Nuur Muuse, ayaa sheegay in mudadii ay taladda dalka haysay xukuumadda madaxweyne Biixi ay gobolka Daadmadheedh ka fulisay mashaariic tiro badan.

Waxaanu tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi, ay Oodweyne ka hirgelisay 18 mashruuc oo waaweyn, kuwaasoo wax badan ka tari doona kaabeyaasha dhaqaale ee gobolkaasi iyo dakhligaba.

C/xakiin Nuur Muuse, oo hadal ka jeediyay soo dhaweyn balaadhan oo maanta magaaladda Oodweyne loogu sameeyay wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ayaa ku bogaadiyay xukuumadda talladda haysa barnaamjiyo horumarineed oo laga fuliyay Oodweyne.

Mashaariicda uu sheegay maayarka Oodweyne waxaa ka mid ah xarun weyn oo baanka dhexe ee Somaliland ka dhisay magaaladda Oodweyne, taasoo uu maanta xadhiga ka jaray madaxweynaha Somaliland.

Maayarka oo madaxweynaha uga warbixinayay mashaariicdaasi waxa uu yidhi,  “Mudane madaxweyne maanta shacabka reer Oodweyne, waxaa u farxad ah  in ay heleen adeeg in badan ka maqnaa, oo wax weyn ka tari doona kaabeyaasha dhaqaale iyo dakhliga gobolka ba. Qaranka na ay u tahay sumcad”.

“Waxaan qirayaa, mudadii aad xilka haysay, 18 mashruuc oo xukuumadaadu ay ka samaysay Oodweyne, 28-ka sanadood ee ay Somaliland jirtay lagama qaban. Taasina waa mid ay abaal kuugu hayaan reer Oodweyne” ayuu yidhi maayarka Oodweyne.

News Related