|
|||
Gabileynewsonline.com
Xanuunka Covid_19 Oo U Muuqda Inuu Ku Soo Laba-kacleeyay Somaliland & Khatarta Illaa Hadda Jirta
October 15, 2020 - Written by adminXanuunka Dunida aadka ugu faafay ee Covid_19 ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Somaliland. Waxa soo badanaya Dadka uu soo ridanayo xanuunka oo markii hore la aaminsanaa inuu ka dabar go’ay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland. Ma jiro wax war ah oo la xidhiidha in Xanuunku soo laba-kacleeyay oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ama Hay’adaha kale ee qaabilsan ka hor-tagga Xanuunkan, balse ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Goobaha lagu sameeyo Shaybaadhka Xanuunka Covid_19 ay ku soo badanayaan Dadka laga helayaa. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Xanuunkaasi ayaa markii ay qaadeen Xayiraadihii lagu soo rogay Dadweynaha, waxay ku taliyeen in Dadku feejignaado isla-markaana aanay deynin isticmaalka Gacmo-gashiga iyo Af-saabka, laakiin Talooyinkaasi Dadka qaatay way yar yihiin
COMMENTS
|
Latest News
|