Published:

Madaxa Rugta Ganacsiga ee Sacuudiga, ayaa ku baaqay in la qaaddaco wax soo saarka Turkiga iyada oo ay jiraan warbixino dhanka ganacsatada ah oo sheegaya in cadaawadda u dhaxeysa Ankara iyo Riyadh ay caqabad ku tahay isku socodka badeecooyinka ee labadan quwadood ee gobolka.

SA'UDI AND TURKEY

SA’UDI AND TURKEY

“Qaadacaadda wax kasta oo Turki ah, ha ahaato soo dejin, maalgashi ama dalxiis, waa mas’uuliyadda qof kasta oo Sucuudi ah ‘ganacsade iyo macmiil’, iyadoo laga jawaabayo cadaawadda sii socota ee ay dowladda Turkiga u hayso hoggaankeenna, dalkeenna iyo muwaadiniinteenna,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray Ajlan Al-Ajlan.

Rugta Ganacsiga Sacuudiga waa koox aan dowli ahayn oo ka tirsan waaxaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudi Carabiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dalkan ku yaalla Khaliijka Carbeed ay ka go’an tahay ganacsiga caalamiga ah iyo heshiisyada maalgashiga iyo ganacsiga xorta ah.

“Mas’uuliyiinta Boqortooyada wax xaddidaad ah kuma soo rogin badeecadaha Turkiga,” sida uu xafiiska warbaahintu hadalka u dhigay.

Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo aragtida laga qabo kooxaha siyaasadeed ee Islaamiyiinta.

Dilkii suxufiga Sucuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul sanadkii 2018 ayaa xiisadda sii xoojiyay.

Xigasho VOASomali.com.

News Related