Published:

Xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi, oo mida xildhibaanadda golaha deegaanka Degmadda Sheekh oo haatan jooga, ayaa mar kale ay beeshiisu u garatay in loo cumaamado oo uu uga qayb gallo tartanka doorashooyinka goleyaasha deegaanka Somaliland.

Iyadoo odayaasha, waxgaradka iyo beesha xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi, waxay sheegeen in ay isku raaceen  in mar labaad uu isu sharaxo kursigaasi, isla markaana ay hore u soo tijaabiyeen una aqoonsadeen inuu yahay nin masuul ah oo ku haboon in mar labaad loogu celiyo.

Xafladda lagu shaacinayay murashaxnimadda mar labaad ee xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi, waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin, cuqaal, salaadiin, odayaal, waxgarad, haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kale.

Daawo: Hadaladii laga Jeediyay Shaacinta Murashaxnimadda Xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi:

 

News Related