Published:

    

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa bogaadiyay hanaankii uu u qabsoomay shirweynihii afraad ee xisbiga Kulmiye oo maanta la soo gebagabeeyay.
Baashe Maxamed Faarax, waxa uu tilmaamay in shirkani uu ka duwanaa dhamaanba shirweyneyaashii xisbiga Kulmiye.
Isagoona xusay in uu ahaa shirkii ugu khilaafka yaraa, isla markaana ugu qurux badnaa ee xisbiga Kulmiye qabsado.
Guddoomiye Baashe, oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xidhitaanka shirka Kulmiye ee maanta waxa kaloo uu sheegay in xisbiga Kulmiye ay hogaamiyaan ragg kaaderiyiin ah oo muddo dheer xisbiga ku soo tabcay.


Kuwaasoo uu tilmaamay in ay yaqaanaan sida loo dhameeyo wixii khilaafaad ah ee hogaanka iyo siyaasiyiinta xisbiga ka dhex dhaca.

Daawo: Guddoomiye Baashe Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

 

News Related