Published:

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Dood Xasaasiya Oo laysku faro Saari Gaadhay Ka Yeeshay Xariyaada La Saaray Fly Dubai Iyo Al Carabiya,

“Dalabkii Wasiir Kaahin, Difaacii Shuruucda Dalka Ee Wasiir Siciid Sulub+Aragtidii Wasiir Saajin Ee Dulucda Dooda.

Shirkii Golaha wasiirada Somaliland ee Maanta Oo ahaa mid  Aan caadi ahayn oo deg deg ah ayaa ka Duwanaa shirarkii Hore ee golaha wasiirada Somaliland kaasi Oo dood xasaasiya lagaga yeeshay xayiradaada diyaaradaha Fly Dubai Iyo Alcarabiya iyadoo mudadii ay socotay dooda in shirkadaha laga qaado xayiraada iyo in kale ayaa shirka isku af dhaafay qaarkamid ah wasiiradii shirka fadhiyay,

Ugu horay Golaha wasiirrada Ayaa waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi,  waxana uu goluhu   xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi..

Kadib markii warbixinta laga dhagaystay mareeyaha haayada duulista,garyaqaanka guud ee qaranka ayaa shir isku badalay mid dood kulul ka dhalatay kaasi oo sida xogaha laga helayo shirka golaha wasiiradu sheegeen in wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin oo isagu watay qorshaha golaha wasiirada lagu horkeenay in ay go,aan ka gaadhaan xayiraada shirkadahan hore loo saaray uu soo jeediyay in la fasaxo mudo 3bilood inta ay wakiilada labadan shirkadood kusoo dhamaysanayaan  wixii sharci ee looga baahan yahay ayaa si adag Waxaa uga horyimid wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Sulub oo ku dooday in aan shuruucda qaranka loo jabinin doonista dano gaar ah taasi oo horseedi karta in ay dhacdo in amarka maamulka farmaajo usuurtowda in diyaaradan madaxwaynuhu saaran yahay  laga celiyo hawada hadii kuwan ruqsada kasoo qaatay la fasaxo.

Dhanka Kale wasiirka wasaarada ganacsiga SAAJIN ayaa isna la sheegay in uu dhankiisa golaha soo hordhigay dood culus Oo uu kaga soo horjeedo in xayiraada laga qaado iyadoo wakiilada  shirkadahan ay mudooyinkii udanbeeyay qaab qabiilsan ku raadinayay in bilaa shuruud loogu ogolaada in ay dalka dib shaqadoodii uga bilaabaan.

Dood Adag ka dib  oo ka cadhaysiis qaarkamid ah wasiiradii beesha bariga burco ee iyagu danaynayay in xariyaada laga qaado fly dubai iyo Al carabiya ayaa wuxuu golaha wasiiradu isku raaceen in ay sharci ahayd xayiraadii la saaray shirkadahan iyadoo dhanka kale ay soo saaray sedex qodob oo hadii ay fuliyaan loo ogolaan doono in ay Somaliland ka hawlgalaan

 Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:-

1;In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

2;In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

3;In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.

 

News Related