Gabileynewsonline.com
Guddoomiyaha SOLJA Oo Canbaareeyay Xukunka Mulkiilaha Astaan TV
November 4, 2020 - Written by admin
    

Hargaysa (HP): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa canbaareeyay xukunka ay maanta maxkamadds gobolka Maroodijeex ku riday mulkiilaha Astaan TV.


Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa xukunkaasi ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog, isla markaana sharciga warbaahinta Somaliland baal marsan.
Guddoomiye Xuuto, ayaa lama filaan ku tilmaamay xukunkaasi ay saaka riday maxkamadda gobolka Maroodijeex.
Xukunkaasi oo isugu jiray xadhig, ganaax lacageed iyo in aanu Astaan TV ka shaqayn karin Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
Latest News