Gabileynewsonline.com
Maxkamadda Hargaysa Oo Xukun Ku Riday Mulkiilaha Astaan TV
November 4, 2020 - Written by admin
Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa maanta xukun ka soo saartay kiiska dacwadii loo haystay mulkiilaha Astaan TV Cabdi Manaan Yuusuf.

Waxaanay maxkamadu ku xukuntay shan sannadood oo xabsi ah iyo in la xayiray gebi ahaanba Astaan TV ka dhaqaysiintiisa Somaliland.
Sidoo kale maxkamadu waxay ku xukuntay lacag ganaax ah oo dhan laba Bilyan oo shilinka Somaliland.
Ma jirto cadaymo rasmi ah oo ay maxkamadu u cuskatay xukunka mulkiilaha Astaan TV, oo muddo dhawr bilood ah ku xidhnaa magaaladda Hargaysa.
Geesta kale garyaqaanka u doodayay C/manaan, ayaa xukunkaasi ku tilmaamay mid sharciga ka fog.
Waxaanu sheegay in ay si dhakhso ah racfaan uga qaadan doonaan.
Dhinaca kale ururka suxuriyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa canbaareeyay xukunka maxkamadda Hargaysa ay ku riday mulkiilaha Astaan TV.
Sida uu sheegay guddoomiyaba ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sharci darro iyo mid mad-madow badani ku jiro ku tilmaamay xukunkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

COMMENTS
Latest News