|
|||||
Gabileynewsonline.com
Ururka Qurbe Jooga Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Xukuumadu Ku Hakisay Wada Shaqaynta QM
November 4, 2020 - Written by adminDalladda ay ku midaysan yihiin Bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalka Netherlnads (Holland), ayaa Xukuumadda JSL ku taageeray go’aanka lagu hakiyey wada-shaqaynta Hay’addaha Qaramada midoobay, talaabadaasoo ay kaga hortegayso Xukuumaddu heshiis lagu fulinayo qorsheyaal lid ku ah madaxbanaanida Somaliland oo ay wada galeen Xafiiska ergayga Qaramada midoobay iyo Maamulka Soomaaliya. Dalladan oo magaceeda loo soo gaabiyo (SSNL) (Somaliland Society in the Netherlnads), ayaa sheegay in go’aanka xukuumaddu ka turjumayo difaaca madaxbanaanida qaranimada JSL iyo ka hortagga isku-day kasta oo lagu minjo-xaabinayo qadiyada 30-sanno jirsatay ee dalka. Sidaasina, waxa lagu sheegay warsxaafaddeed uu soo saaray guddida fulinta ee SSNL, kaasoo nuqul kamida Salaasada maanta soo gaadhay Wargeyska Dawan, una dhignaa sidan: “Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland go’aanka geesinimada leh ee ku wajahan heshiiska liidnimada ah ee Somaliya iyo UN-ka, kaas oo ay Somaliland ganafka ku dhufatay kuna joojisay wada-shaqeyntii xafiiska hay’addaa ee ka hawlgala Somaliland iyo tallaabooyinka laga qaaday mashaariicdii UN-ku ka wadeeen gudaha Dalka. Madaxweynaha JSL, Muuse Biixi Cabdi oo intii go’aanka xukuumaddu soo baxay ka hadlay arrintaasi, ayaa ugu baaqay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa in ay ku soo noqoto xayndaabka dhexdhexaadnimada, kana soo laabato fal-galka siyaasaddeed ee ay Dawladda Soomaaliya la yeellatay.
COMMENTS
|
Latest News
|