Gabileynewsonline.com
DEG DEG: Abiy Ahmed oo Xilalkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidamada, Madaxii Sirdoonka iyo Wasiirkii Arimaha Dibeda
November 8, 2020 - Written by admin
    Ra’iisal wasaaraaha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilalkii ka qaaday taliyihii ciidamada, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, iyada oo militeriga ay maalintii shanaad wadaan dagaal ka socda gobolka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa shaqo ka eryiddan ku dhawaaqay maanta, iyada oo dagaalka uu kasii darayo, kuna sii riixayo Itoobiya dagaal sokeeye.

Xafiiska ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo warkan ku shaaciyey barta twitter-ka ma sheegin wax sabab ah oo loo sameeyey isbeddelladan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada “hadda loo dalacsiiyey taliyaha ciidmada.”

Abiy Ahmed ayaa weli wada ololaha uu Arbacadii ku dhowaaqay ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga, inkasta oo ay jiraan codsiyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan inuu wada-hadal la galo xisbiga maamula gobolkaas ee TPLF.

Hoos ka akhriso xilalka uu Abiy Ahmed u magcaabay saraakiishan.

1. Demeke Mokenen, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Dalka, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia, Kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada.

2. Burhanu Jula, Madaxii Howlgalinta Ciidamada Qalabka Sidda ayaa loo Magacaabay, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sidda.

3. Tamasgen Tirahun, Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Haayada Sirdoonka.

4. Taliyihii sirdoonka ayaa isna loo Magacaabay Komishinka Federal Booliska.

  

COMMENTS
Latest News