Gabileynewsonline.com
Puntland oo Eedaysane Ku Soo Wareejisay Somaliland
November 18, 2020 - Written by admin
    

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Somaliland ku soo wareejiyay eedaysane hore dil uga gaystay gudaha Somaliland.

Ninkaasi eedaysanaha ah ayaa la sheegay inuu hore dil uga gaystay magaaladda Hargaysa, kadibna uu u baxsaday dhinaca maamulka Puntland.

Waxaana eedaysanaha maanta lagula kala wareegay kaantaroolka ciidamadda qaranka Somaliland ee jiidda hore ee deegaanka Tukeraq ay ku leeyihiin.

Iyadoo eedaysanaha ay magaaladda Garoowe ka soo kexeeyeen saraakiil ka tirsan ciidamadda maamulka Puntland, isla markaana ay ku wareejiyeen ciidamo iyo saraakiil uu hogaaminayay taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Goonni.

Sidoo kale waxaa goobta wareejinta ku sugnaa saraakiisha ciidamadda milateriga Somaliland fadhiisinka jiidda Tukeraq.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa maamulka Puntland uga mahad celiyay inay ku soo wareejiyaan ninkan hore danbiga uga galay gudaha Somaliland.

Waxaanu sheegay taliyuhu in Somaliland iyo Puntland uu ka dhexeeyo heshiis ah in la isku soo celiyo shaqsiyaadka dambiyadda culus galla.

 

COMMENTS
Latest News