Madaxweynaha Jabuuti Oo Shaki Geliyay Daacadnimadda Maalgashiga DP World
November 26, 2020 - Written by admin
: Madaxweynaha dalka Jabuuti IsmaaciilCumar Geelle ayaa sheegay in aanu illaa hadda maqal wax sheegaya in shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay maalgashi ballaadhan ku samaynayso dekedda Berebra. Waxa keliya ee uu ogyahayna uu yahay soo jeedimo mashariiceed.
Madaxweyne Geelle oo waraysi siiyey shabakadda ‘The Africa Report’ oo xarunteedu tahay dalka Faransiiska, waxa uu shirkadda DP World ku dhaliilay in ay caan ku tahay in marka hore ay buuq iyo hadal hayn badan abuurto, laakiin intaas ka dib aanay waxba qaban. “Xitaa wiishka ugu yar oo kor loo taagay kuma arkaysid. Annaga ayaa taas soo ogaannay” ayaa uu Madaxweyne Geelle ku yidhi waraysigan oo ay The Africa Report faafisay Salaasadii 24-ka Noofambar.
Mar wax laga weydiiyey khilaafkii ganacsi ee u dhexeeyey dalkiisa iyo shirkadda DP World waxa uu sheegay in weli dacwaddii arrintaas la xidhiidhay ay ka socoto maxkamadda London, lagana yaabo in ay dhaqso uga bilaabato dalka Maraykanka.
Xigasho: Waregyska Geeska Afrika.