Gabileynewsonline.com
Midowga Yurub oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay 6 Qof oo Somaliland Xukun Qisaas Ah Ku Fulisay
November 28, 2020 - Written by admin
 Midowga Yurub ayaa waxaa uu si adag uga hadley 6 qof oo xukuumadda Somaliland ay dil qisaas ah ku fulisay.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen warka ku saabsan dil toogasho oo ah qisaas lagu fuliyay 6 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiga Mandheera, ee Somaliland, 26kii Nofeembar 2020.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay  in Midowga yurub uu mowqif adag ka taagan yahay ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee.

“Ma jirto caddayn muujineysa in ciqaabta dilka ay u adeegsaneyso ka hortag dembi, kana waxtar badan tahay xabsi,” ayaa lagu yidhi bayaanka Midowga Yurub.

Kontonkii sano ee la soo dhaafay, in ka badan saddex-meelood laba meel oo ka mid ah dalalka adduunka, ayuu midowga Yurub sheegay inay baabi’iyeen sharciga iyo ku dhaqanka xukunka dilka.

Midowga Yurub wuxuu tilmaamay inuu sii wadi doono taageerida isbeddelka guud ee ku wajahan cidhibtirka ciqaabta dilka.

COMMENTS
Latest News