Gabileynewsonline.com
SADAQO XAMAR LA SIIYO INTA XUKUUMADU WAQTI GALINAYSO, SOMALILAND WAA XUDUN ISTARATEEJI AH , SALDHIGYO HAKA SIISO WADAMADA DANTEENA KA SHAQAYNAAYA SIDA ISRAA’IIL, TAIWAN. QALINKII : ENG. MOHAMED HAIBE HERSI
November 29, 2020 - Written by admin

NIMAAN QUUDKIISA HAYN , QARAARKIISA MA HAYO.
SHACABKA SOMALILAND OO KU CAANBAXAY JACAYLKA IYO DIFAACA WADANKOODA, HADAY NOQOTO WAQTIGII UU GUMAYSIGU AFRIKA QAYBSANAAYAY, KAAS OO AY HESHIIS KULA SAXEEXDEEN GUMAYSIGII BADA, INAANAY DUMARKIISU KU DHALI KARIN SOMALILAND, HESHIISKAAS OO KALENA KAMA DHICIN AFRIKADII LA GUMAYSANAAYAY IYO SOMALI TALYAANI TOONA. SHICIBKA SOMALILAND WAXAY DHALIYEEN MIDAWGII MADOOBAA EE XASUUQA LAGA DHAXLAY, IYAGOO SOMALIWAYN BAADI GOOBAAYA. SHICIBKA SOMALILAND WAXAY DHULKOODA KA XOREEYEEN DAWLADII SOMALI TALYAANI EE UU HOGAAMINAAYAY GACAN KU DHIIGLE AFWAYNE, TAAS OO XASUUQDAY DAD KA BADAN SADEX BOQOL OO KUN, KUMAANKUN KALENA ILAA MAANTA DADKOODII AYNA KA WAR HAYN MEEL AY JAAN IYO CIDHIB DHIGEEN.
XUKUUMADA SOMALILAND WAXAY WADA HADALO KALA DUWAN LA GASHAY DAWLADA MAQAAR SAARKA AH EE XAMAR, TAAS OO UU UGU DAMBEEYAY SHIRKII JABUUTI 2020 , SHIRKAAS OO XUKUUMADA SOMALILAND LA TAGTAY IN MUCAAWIMADA XAMAR LA SIIYO, QAYB LAGA SIIYO. DAWLADA XAMARNA AY KU XIDHAY, IN DADKA SIYAASIYIINTA AH EE XAMAR U SHAQOTAGAA FASAX KU IMAN KARAAN SOMALILAND. QODOBKAAS OO DAWLADA SOMALILAND AY DIIDAY WADAHADALKIINA UU SIDAA KU ISTAAGAY.
HADABA WAXA NUSQAAN KU AH GOONI ISUTAAGII AYNU KU DHAWAAQNAY 1991 , IYO ICTIRAAF RAADINTEENABA IN AYNU XAMAR U DABA FADHIISANO, LACAGTA LAGU CAAWIYO ,MARKA AY KALA QAYBSADAAN HAY ‘DAHA LACAGTA BIXIYA, QADAR KA YAR EE LOO TUURO FARMAAJO IYO XULIFADIISA.
SI CUDUDEENA IYO MASKAXDEENA UGU KALSOONAANO, TAAS OO IN BADAN SHACABKA SOMALILAND GUUL KU GAADHEEN, MAANTA OO MANDAQADA AYNU KU NAALA GARIIRAYSO , UNA BAAHI BADANAHAY IN AYNU MASKAXDEENA IYO MAALKEENABA MIDAYNO , XUKUMADU WAA IN AY LABA ARIN FULISAA :
IN AY HIRGALISO NIDAAMKA SAAMI QAYBSIGA , SI SHACABKA SOMALILAND MAALKOODA SI SAAMI QAYBSIYA UGU DHISAAN WARSHADAHA , SIDA WARSHADA SIBIDHKA, DHAAMAM WAAWAYN OO BIYAHA INOO QABTA, WARSHADO KORONTO JABAN INOO DHALIYA , TAAS OO SHAQOOYIN ABUURAYSA, XUKUUMADUNA CASHUUR KA HELAYSO.
SOMALILAND WAXAY KU TAAL MEEL ISTIRAATEEJI AH, MARAAKIIBTA ADUUNKA 80% MARTO , SIDAA DARTEED XUKUUMADU WAA IN AY SALDHIG SIISA WADAMADA KA SHAQAYNAAYA DANAHA SOMALILAND SIDA ISRAA’IIL , TAIWAN .
haibe2005@hotmail.com

COMMENTS
Latest News