Published:

    

: 7 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance oo ka hawl galla Muqdisho.
Kadib markii qof isku soo xidhay Walxaha Qarxa uu isku qarxiyay makhaayad la yidhaahdo Jalaato Devino, oo ku taala wadadda laga galo garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaaladda Muqdisho.
Makhaayadaasi ayaa ah mid inta badan ay dadweynuhu isugu yimaadaan gaar ahaana xiliyadda habeenkii.
Saraakiisha gaadiidka gurmadka ee Aamiin Anbulance ayaa intaa ku darray in khasaaruhu intaa ka sii badan karo madaama wali gurmadku socdo.
Ma jiro wax wara oo ay dawladda Soomaaliya iyo haayadaha amaanku ka soo saareen qaraxaasi.
Dadka ku dhintay qaraxan ayaa u badnaa dhalinyarro si weyn intooda badan looga garanayay magaalada Muqdisho.


Kuwaasoo qaar ka mid ah durbadaba ay tacsidoodu qabsatay baraha bulshadda ee Internet-ka.
Qaraxaasi ayaa la tilmaamay in uu sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.
Sida ay sheegeen dad goob joogeyaal ah oo ka ag dhawaa meesha qaraxu ka dhacay.
Geesta kale magaaladda Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ku soo banayay qaraxyada lagu bartilmaameedsanayo goobaha muhiimka ah iyo saraakiisha dawladda.

News Related