Published:

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya aanay khusayn Somaliland, waxaanu tilmaamay in labada dal ay kala yihiin laba dal oo kala madax-banaan, oo aan isku mawif iyo isku ujeeddo toona ahayn.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale khalad ku tilmaamay in Soomaaliya loo soo maro Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Halkan waa Somaliland ee maaha Soomaaliya, maaha Maamul Goboleed, mana aha Gobollada Waqooyi ee waa Somaliland oo ah dal madax banaan, leh Madaxweyne, Golayaal Sharci dejineed iyo wax walba oo Dawladnimo looga baahan yahay, sidaas darteed anaga ayaa ah Xildhibanaadii Somaliland ee ciddii tagaysa Soomaaliya inama mataalan oo waa dad shaqo tagay, Xildhibaano ka soo jeeda Somaliland oo laga dooranayo Soomaaliya ma jirto ee waa dad iyagu iskood u shaqo tagay, anaga oo ah Xildhibanaadii Somaliland ayaa dadkayaga matala oo dalkayagii ayaanu ku sugan nahay”.

Mar uu ka hadlayey khayraadka Somaliland iyo in Soomaaliya loo soo maro ayaa yidhi “Sinaba khayraadkeena looma soo mari karo Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaaliya inaga inooma taliso ee haddii ay tahay Baddaheena iyo haddi ay tahay cidda inaga doonaysa Saldhiga Milatari waa ku gef iyo khalad inay Soomaaliya inoo soo maraan, ee wax kasta oo wada-hadal ah inaga inay inoo soo maraan weeye, ta kale inaynu inagu ilaashano Baddaheena iyo khayraadka dalkeena ayaa la inooga baahan yahay mar walba, mana haboona inaynu baddeena aynu siino cid aan Ciidankeena ahayn..

  

News Related