Published:

    
 Madaweynihii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga Sahan ayaa sheegay in aanay hirgeli karin Dawladnimada Soomaaliya inta aan la xallin Qadiyadda Somaliland ee Gooni isku taagga.Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ayaa Dawladda Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku eedeeyay in halkii ay ka ahayd inay soo dhawayso Somaliland isla-markaana Wada-hadalladii socday u sii waddo ay afartii sanadood ee u dambeeyay ka shaqaynaysey cunaqabataynta Somaliland iyo ka hor-joogsiga wixii ay xaqa u lahayd.

Mr. Guuleed waxa kale oo uu Dawladda uu hoggaamiye Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay muddo dheer ka shaqaynaysey kala fogaynta Shacabka Somaliland – halkii ay ka ahayd inay ku dedaasho sidii ay quluubtooda u wada hanan lahayd.

Madaxweynihii hore ee Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa kale oo uu wax aan suurto-gal ahayn ku sheegay qorshe uu tilmaamay inuu is-xambaaar siyaasadeed ahaa oo Madaxweyne Farmaajo ku doonayey inuu ku yimaaddo Hargeysa, ka dib kulan 2 Saacadood qaatay oo ay isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku yeesheen Addis Ababa badhtamihii sannadka n 2020-ka, kulankaasi oo uu xilligaa ka shaqeeyay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed “Cid walba way ogayd Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku inaanu Hargeysa ku tagi karayn Wada-hadal laba Saacadood socday..” ayuu yidhi – Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hoos ka daawo muuqaalka

News Related