Published:

    

Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar, ayaa beeniyay wararka sheegayay in ciidamadooda ay qayb ka yihiin dagaalka dawladda Ethiopia ku qaaday dhulka ismaamulka Tigreega.
Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ay ciidamo ugu dirayaan dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia.
“Anaga iyo dawladda dhexe ee Ethiopia, waxaan ku heshiinay in la ilaaliyo xuduudaha ballaadhan ee deegaanka Soomaalida, mana jirto baahi loo qabo in aan xilligaan qeyb ka ahaano dagaalka” ayuu yidhi madaxweyne Cagjar, oo maanta u waramay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.
Madaxweyne Cagjar, ayaa ku eedeeyay xoogag raba in ay dano siyaasadeed ka gaadhaan degaanka Soomaalida in ay shacabka ku jahwareeriyeen in ciidamo Liyuu booliis ah loo diray dagaalka lagula jiro Tigreega.
Geesta kale madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar, waxaa uu ka mid yahay madaxda sida aadka ah ugasoo horjeeda xisbiga TPLF ee Tigreega.
Waxaanu sheegay haddii aan damacooda wax laga qaban in aanay Ethiopia sii jiri doonin.


Isagoo ka hadlayay mawqifka ay ka maamul ahaan ka taagan yihiin dagaalka lagu qaaday Tigreyga, waxa uu yidhi, “Mawqifkeenu waxaa weeye, in aan 100% taageersanahay dagaalka ay qaadday dawladda Ethiopia.
Waxaan ognahay in dawladda lagu kalifay in ay qaaddo

News Related