Published:

Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya

0
1435
Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow
Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow
    

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo magaalada Hargeysa yimid.

Xildhibaankan ay Ciidamada Booliska Somaliland xidheen ayaa lagu magacaabaa Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Wararka ayaa waxaa ay sidoo kale tibaaxayaan in Xildhibaankani yahay musharrax Madaxweyne oo u taagan doorashada Madaxtinimada ee Soomaaliya.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow qabtay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Mustaf Dhuxulow ay Shirkad Jarmal ah oo Hargeysa deggeni u soo saartay dal-ku-galka Somaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

Laakiin, hay’adaha ammaanka Somaliland ayaa markii dambe ogaaday in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo keentay in la xidho oo xabsiga loo taxaabo.

Mustaf ayaan intaan la xidhin saraakiisha madaarka Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la laalay, lana joojiyay.

Xildhibaankan ayaa la sheegay in loo gudbiyey xarunta dembi-baadhista ee Hargeysa, Waxana la filayaa in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ilaa iyo hada faahfaahin ka bixin xadhiga Xildhibaankan iyo wuxuu la xidhiidho.

News Related