Published:

    

Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa soo bandhigay Kalluun aad u fara badan oo ay Badda ka soo jilaabteen.
Kalluunkan oo cadadkiisa lagu qiyaasay 3 Tan, ayay soo jilaabteen ciidamadda ilaaladda xeebaha ee gobolka Saaxil.


Kaasoo ay maanta ku soo bandhigeen dekadda magaaladda Berbera.
Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha ee gobolka Saaxil Haaruun Siciid Cali, oo arrintaasi faahfaahin ka bixiyay ayaa tilmaamay in ay hawshan jilaabashadda Kalluunka muddo hore bilaabeen.
Waxaanu sheegay in hawshaasi ay hindisieen kadib markii madaxweynaha Somaliland u iibiyay Doonni weyn.
Arrintaasi oo ay sameeyaan ciidamadu iyagoo gudanaya waajibaadkoodda shaqo, isla markaana aan kaga mashquulaynin hawshoodda ilaalinta Badda iyo xeebaha Somaliland.

 

News Related