Published:

 Dagaal iyo Xafiltan siyaasadeed ayaa ka dhex qarxay Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo xilal sare ka haya Soomaaliya.

 

Dagaalkan siyaasadeed oo salka ku haya cidda leh awoodda soo xulidda Xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee ka qayb-galaya doorashada Baarlamaanka ayaa ka dhex qarxay Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya xilalka muhiimka ah ka haya.

Siyaasiyiintaana waxa ka mid ah Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka soo horjeeda Guddiyo doorasho oo Xukuumadda uu Mahdi ka tirsan yahay ee Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble Magacowday isla-markaana waajibaadkooda ay ka mid tahay inay soo xulaan Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb-galaya doorashada Baarlamaanka, waxaanu Guddoomiye Xaashi oo shalay hadlay sheegay inaan Guddiyadaa lagu kalsoonaan karin.

Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu eeddiisa ku xoojiyey oo uu sheegay in sababta aan loogu kalsoonaan karin Guddiyada Xukuumaddi Magacowday tahay inay yihiin xubno laga soo xulay laamaha dawladda, sida Wasaaradaha iyo Hay’adaha amniga, sidaa darteed yihiin kuwo aan dhexdhexaad ahayn oo soo xulaya oo keliya xubnaha Dawladdu wadato ee doonaya inay Baarlamaanka ka mid noqdaan – sharci ahaana ay sax tahay in guddiyada soo xulaya Xubnaha doorashada ka qayb-galaya inuu soo xulo Baarlamaanka hadda joogaa.

Laakiin, Raysal wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo arrintaa ka difaacaya ayaa Shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho eedaymo ugu jeediyey Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Raysal wasaare ku-xigeenku wuxuu Cabd Xaashi ku eedeeyay inuu Mucaarad ku yahay Dawladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

“Waad arkeysaan oo Aqalka sare muddo ma fadhiisan, sharciyo loo baahnaa in la laga doodo oo ka soo gudbay Golaha Shacabka ayaan laga doodin, awooddii Golaha Barlamaanka ama sharci dajinta ayuu wiiqay..” Ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Aqalka sare, isagoo intaa ku daray in Guddoomiye Cabdi Xaashi yahay Mucaarad ka soo horjeeda Xukuumadda uu ka tirsan yahay.

News Related