Published:

    

: Dawladda Mareykanka ayaa liiska argagaixisada caalamiga ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al Shabaab ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska argagixisannimada caalamiga ah lagu daray Cabdullaahi Osman oo loo yaqaano Injineer Ismaaciil iyo Macallin Eyman oo isna loo garan ogyahay Cabdicasiis Dhuubow.

Labadan nin ayaa haatan ka mid noqonaya liiska shakhsiyaadka Mareykanka uu dondoonayo, waxaana lagu soo rogay cunqabateyn.

Maxaan ka naqaanaa raggan liiska lagu daray?

Warka qoraalka ee ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Cabdulahi Cusmaan Maxamed uu ka mid yahay sarakiisha sarsare ee khabiirka ku ah sameynta walxaha qarxa, islamarkana uu yahay ninka isku dubarida howlaha qaraxyada ay Shabab fuliyaan.

Waxaa uu sidoo kale sarkaalkan uu la taliye u yahay amiirka Al-shabab, islamrkana waa hogaamiyaha waaxda warbaahinta u qabailsan Al-Shabab ee loo yaqaanno, Al-Kataib.

Maclin ayman ayaa isaga sida qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka lagu sheegay ah hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah guuto weeraro ka fulisa dalalka Kenya iyo soomaaliya.

Ayman ayaa sida ay sheegtay dowladda Mareykanka waxaa uu masuul ka ahaa weerarkii January 2020 lagu qaaday xerada Simba ee ku taallay Manda Bay, ee dalka Kenya, halkaasi oo lagu dilay askar Mareykan ah oo ku sugnaa.

Maxay ka dhigan tahay in raggani liiska lagu daro?

Shaqsiyaadka ay Mareykanka ku daraan liiska argagixisada caalamiga ah ayaa waxay dowladda Mareykanka juhdi dheer galisaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ama loo dili lahaa.

Waxaa sidoo kale la xayiraa hantidooda iyo in laamaha dhaqaalaha ee Mareykanka ay wax macaamil ah la sameeyaan.

Cabdisalaam Yuusuf Guleed oo horay u soo noqday taliye ku xigeenka hey’add sirdoonka Soomaaliya (Nisa) ayaa u arka in liiska argagixisada caalamiga ah lagu daro shaqsiyaadkan inay tahay mid wax wayn uga dhigan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab.

“Qofka marka liiska lagu darayo wax badan ayaa ku baxa, dad ayaa loo xil saaraa inay dabagal ku sameyaan xogtiisa, qofka marka liiska lagu daro waxaa dul fuusha wax la yiraahdi diiradda, ayuu yiri Mr Cabdisalam.

Waxaa uu intaa ku daray taliyihii ku xigeenkii hore ee nabad-sugidda Soomaaliya in qofka liiska argagixisada lagu daro culeys badan la saaro islamarkana mar walba la bartilmaameedsado.

“Koox yar oo la ilaalinayay oo shaqa kalaba la qabsan ayuu qofka ku soo biirayaa, wuxuu ka soo baxayaa noolashii caadiga ahayd iyo dadkii caadiga ahaa ee la ilaalinayay, waxaa uu ku soo biiray koox yar oo si joogta ah isha loogu hayo oo dilkoodu uu qoran yahay, ayuu yiri Mr Cabdi salaam.

Mareykanka ayaa bishii March ee sanaddii 2008- liiska argagixisada caalamiga ah ku daray ururka Al-Shabab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Al-Shabab ay halis ku yihiin amaamnka iyo xasiloonida dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

XIGASHO: BBC Somali.¶

News Related