Published:

Guddida Doorashooyinka Somaliland
Guddida Doorashooyinka Somaliland
    

Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kala diray shaqaalihii ka hawlgali lahaa goobaha diiwaangelinta ee gobollada Awdal iyo Salel.

Madashan lagu kala dirayay shaqaalaha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha  Caafimaadka, Ganacsiga, xubno ka socday saddexda xisbi qaran, maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorama iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka Mustafe Daahir Dhawal iyo Cabdifataax Ibraahin oo guddida doorashooyinka ka mid ah, oo sheegay in 113 goob oo kala tirsan degmooyinka Boorama, Saylac, Lughaya iyo Baki ay u kala direen 459 ah hawla-wadeenada goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka, iyaga oo kula dardaarmay hawl-wadeenadaas in ay gutaan waajibaadkooda loogana baahan yahay dulqaad iyo Samir inta ay shaqada ku jiraan.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay xubno ka socday xisbiyada qaranka oo dhallinyaradaas u baxay goobaha diiwaangelinta kula dardaarmay in bulshadadooda ugu shaqeeyaan si hufan wakhtigana dhawraan , iyaga oo xusay in cid ishaysata aanay jirin balse laga wada midaysan yahay muxaafid iyo mucaaridba sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Axmed Guuleed, maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxmed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in bulshada gobolka ay ku wacyigeliyeen in ay qaataan kaadhka codbixinta doorashada, waxayna hawl-wadeenada kula dardaarmeen in goobaha ay ka walgalayaan dadka ugu yimaada si wanaagsan ugu adeegaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Caafimaadka iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Cumar Cali Cabdilaahi iyo Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in diiwaangelintu muhiimad weyn u leedahay bulshada gobollada Awdal iyo Salel loona baahan yahay in bulshadu isdiiwaageliso, iyaga oo tilmaamay in saami qeybsiga ay ka qayb ka noqonayso diiwaangelintu mustaqbalka.

Gebogebadii waxaa xarunta Jaamacadda Camuud ka amba baxay hawl-wadeenadii ka hawlgalyey goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee dalka ka qabsoomaysa sannadka  soo socda ee 2021.

News Related